Site icon Daruur درور

Riyada habeen kasta ah maxay ka dhigan tahay

Riyada habeen kasta ah maxay ka dhigan tahay

Su’aasha:

Asc walaalaha Daruur ee qaaliga ah waxaan ahay wiil dhalinyaro ah oo 20 jir waayadii hore way yareed Riyadeeda xili horena ma seexan jirin balse wayadan dambe mushkilado ayaa ila soo darsay dhaqso ayaana seexdaa waxaan arkaa riyooyin is daba joog ah qaarkood waan hilmaamaa qaarna waan Xasuustaa xataa mararka qaar Hal habeen gudaheed ayaan arkayaa Laba riyo oo kala duwan riyooyinkeyga badanaa way furmaan aniga ma ahi qof aad u wanaagsan oo Ahlu diin ah balse salaadeyda waan tukadaa dembiyo badan aan sameeyaana way jiraan waxaan garan waayey sababta Dhibaatooyinka Soo socda la Ii tuso aniga oo qof wanaagsan aheyn markastana ma idinla wadaagi karaa riyo kasta aan ku riyoodo waxaa Laga yaabaa maalin kasta inaan Riyo cusub idin Soo qoro.

Riyada habeen kasta ah maxay ka dhigan tahay
Riyada habeen kasta ah maxay ka dhigan tahay

Jawaabta:

Riyada furmitaankeeda kuma xirna qofka xaalkiisa xataa qof gaal ayaa riyo dhab ah ku riyoon kara, teeda kale Ilaahay dhamaanteena hana wada hanuuniyo ku dadaal wanaagga kana fogow xumaanta inshaa Allaah khayr badan ayaa Ilaahay ku siinaya.

Riyada badan waa wax dabiici ah dad badanna way arkaan waxaa laga yaabaa isla habeenkii qofka inuu arko 3 ilaa 5 riyo kala duduwan siiba marka uu hurdo dheer hurdo ama uu daalan yahay,  ama habeen iyo maalinba uu hurdayo, riyooyinka qaar waa nafsi qofka wuxuu arkaa wixii naftiisa uu ugu sheekaynayay qaarna waa riyo dhab ah oo toos u furma qaarna waa shaydaan wax ka yimid oo qofka lagu cabsigaliyo.

Waad oo qori kartaa wixii riyo aad aragto inshaa Allaah waa lagaaga jawaabayaa su’aalahaaga, riyo kaste si gaar usoo qor sidoo kale faahfaahi maxaayeelay riyada marka ay faahfaahsan tahay si fiican ayaa loo fasiri karaa.

Qofka arka riyooyinka badan maxaa la dhihi karaa

The opening of the dream does not depend on the person’s situation, even a non-believer can have a real dream, and God guides us all to strive for good and avoid evil, God willing, God will give you many good things. Many dreams are natural and many people see them, maybe in the same night a person sees 3 to 5 different dreams when he is sleeping for a long time or when he is tired, or he is sleeping day and night, some dreams are psychological, the person sees what He was talking to himself and some of them are real dreams that come true and some of them are from the devil to scare the person. You can write down any dreams you see, God willing, your questions will be answered, write down each dream separately and explain why the dream is detailed, it can be interpreted well.

Exit mobile version