Site icon Daruur درور

Riyada habar gaari dardarayo oo lugaha ka jarayo

Su’aasha:

Waxaan riyo ku arkey anigoo laami goonaayo maamo waayeel ahna igarabsocotey balse aniga aan ka hormarey iyadane lugaha gaari ka jiirey anigane ma istaagin ee waa sii socdey dhankaa iyo suuqa kadib mamo kale waayeel aheyd aanan wajigeeda garaneyn ayaa igusalaantey salaanta islaamka Asc anigane uma jawaabin oo shilkaa ayaa niyadeyda ku jirey waxaana niyada ka dhahayey dadkaa sacadaan gaariga jiiraayo marka ay guryahooda kasoo baxayaan Adkaar ma aysan soo aqrisan Anigane Ayatulkursi ayaan iska Aqristey waana kasii socdey.

Riyada habar gaari dardarayo oo lugaha ka jarayo
Riyada habar gaari dardarayo oo lugaha ka jarayo

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa digniin adiga kugu soo wajahan taasoo ay dhici karto dood iyo dagaal inay din dhexmaraan adiga iyo qaraabadaada sida dad waalid kuu ah abti ama adreer ama eeddo ama habaryar ama ayeeyo, shilkaas wuxuu tilmaamayaa dhibaato iyo dagaal ama dirir, waxaana taas xoojinaya salaanta aadan ka jawaabin, marka waadna ka badbaadaysaa waayo aayatulkrsiga aad akhrisay waxay ka dhigan tahay inaad ka badbaadi doonto waxa uu shaydaanka kuu maleegayo.

Exit mobile version