Site icon Daruur درور

Riyada gabar aad jeceshahay oo kuu sheegayso inay ku jeceshahay

Su’aasha:

Asc wll waxaan ku riyooday gabar aan jeclahay laakin iyada uma sheegin inaa jeclahay anigoo fadhiyo meel dad badan fadhiyaan saf ayaana luu jiray intay albaabka soo istaagto ayay ii wacday markaa u tagay ayay ii sheegtay inay i jeceshahay.

FG:GABARTA waxay joogtaa hadda GARMANY Anigana uganda.

Riyada gabar aad jeceshahay oo kuu sheegayso inay ku jeceshahay
Riyada gabar aad jeceshahay oo kuu sheegayso inay ku jeceshahay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inaad kulmi doontaan ama inaad war ka heli doonto oo aad ku farxayso, guud ahaan riyada waa riyo mustaqbalka tilmaamaysa, waxaa kaloo riyada ay noqon kartaa riyo naftaada ay ku sheekaysanaysay laakin riyadaas adiga waad garan karaa, haddii iyada aad ka fikiraysay maalmahan waa riyo naftaada kaaga timid, laakin haddii aadan iyada ka fikiraynin oo naftaada ay ka mashquulsanayd oo si kedo ad aad ku aragtay marka riyada saan kuu soo sheegay ayaa lagu fasiri karaa.

Exit mobile version