Site icon Daruur درور

Riyada gabadh suuqa lacag kaga luntay

Su’aasha:

ASC WAAD MAHADSANTIHIIN
Ilaahay ha idin xafido
Waxaan ku riyooday aniga oo suuqa aaday oo gabadh aan qaraabo nahay ii sheegayso gabadh aan garanayo oo suuqa meherad ku haysata ayka luntay lacag amaano ah $1750 kun todoba boqol iyo konton dollar
Oo kabacdi intaan gabadhii u tagay oo MURUGAYSAN aan ka bixiyay oon sii yay lacagtii kaluntoo dhan oo ay aad u faraxdoo ii ducaynayso
Allah mahadle.

Riyada gabadh suuqa lacag kaga luntay
Riyada gabadh suuqa lacag kaga luntay

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa gabadhaas inaad ka badbaadin doonto dhib ama halaag iyada kusoo wajahan oo aad garab qaban doonto, lacagta lumintaankeeda waxaa lagu fasiraa qofka inay ka lumayaan waxyaabo badan oo la xiriira diintiisa iyo dhaqanjiisa, salaadaha inuu dayaci doono, marka adiga ayaa sabab u  noqon doono gabadhaas inaad wanaag ku wajahdo.

Exit mobile version