Site icon Daruur درور

Riyada dayr wayn oon meel laga baxo jirin

Su’aasha:

Asc maasha Allah waad ku mahadsantihiin sida fiican ee dagdaga ah eed noogusoo jawaabaysaan Allah macag

waxaan ku riyooday aniga oo ku dhex jira dayr wayn oon meel laga baxo lahayn meel aanka baxo ayaan waayay dhinaca koonfureed ayaan tagay ee dayrka waan fuulay kabacdi waxaan arkay magaaladii oo iga hoosaysa waxaan damcay inaan halkan ka boodo oon guryaha dusha kaga dhaco hadana meeshoo dheer AWGEED waanka baqay anoo meeshii fuushan ayuunbuu albaab wayn oo laba fardadood ah oo baabuurto kasoo galaan oo kale ahi is furay dhinacii qiblada iftiin wayn baana kasoo galay ana intaan farxay ayaan albaabkii kasoo baxay albaabkana cidi may furin allahu aclam mana arag cid furtay meeshuna markii hore albaab may ahaynba
Allah mahadle.

Dayr wayn oon meel laga baxo jirin
Dayr wayn oon meel laga baxo jirin

Jawaabta:

Riyadan waxay tilmaamaysaa in Ilaahay faraj kuu furi doono, faraj aadan filanaynin, meesha aad ku jirtay waxay matalaysaa dhib iyo culays laakin waxaa ka dambaynaya fudayd iyo raaxo, marka waa riyo bishaaro ah oo khayr badan wadata.

Exit mobile version