Site icon Daruur درور

Riyada canabka cagaaran oo soo lalalman

Su’aasha:

Waxan ku riyooday anoo ku jiro meel beer u eg guri ku ag dhow waxaa ku yaalla canab cagaaran oo badan qaarkoodi way bislaadeen qarna wali ma bislanin marka waan goosan rabay sidaas ayaan kusoo tosay riyaca cenabka maxay noqon karta.

Riyada canabka cagaaran oo soo lalalman
Riyada canabka cagaaran oo soo lalalman

Jawaabta:

Canabka waa khayr aad u badan qofkii ku riyoodo cinab wuxuu helaa hanti badan uuna filanaynin sidoo kale wuxuu helaa waxa uu jecel yahay.
cinabka cagaaran waa bishaaro farxad leh wuxuu noqon karaa bisharo ubad suuban, fasirkan waxaa loo cuskaday quraanka kariimka. Alle wuxuu tilmaamay canabka inuu ka mid yahay arsaaqda fiican, wuxuu yiri:

(وَمِن ثَمَرَاتِ النَّخِيلِ وَالْأَعْنَابِ تَتَّخِذُونَ مِنْهُ سَكَرًا وَرِزْقًا حَسَنًا ۗ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَآيَةً لِّقَوْمٍ يَعْقِلُونَ)

(Midhaha Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid iyo Risqi Fiican, Arrintaasna Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi)

Raadraac

Exit mobile version