Site icon Daruur درور

Riyada cago bini’aadam oo lasoo jaray

Su’aasha:

Ascww sheikh riyada sidan ah maxa lagu fasiraa cagaha baniaadam ka inta lagu socdo ama dhulka la dhigo oo la soo jaray oo dad badan iska leeyihiin qof haayo ayan arkay waa la ii kala sheega kuwan waxa iskalahaa nin heblo kuwana naag hebalaayo aniga ma jecleysan wan ku yaqyaqsoonaa.

Riyada cago bini’aadam oo lasoo jaray
Riyada cago bini’aadam oo lasoo jaray

Jawaabta:

Riyada aad aragtay oo ah cago jarjaran waa riyo tilmaamaysa dadkaas laga jaray cagaha inay xumaan ku dhacaan iyo khasaaro in dhibaato, riyada cagaha la jarayo ma aha riyo fiican waa riyo balo weyn wadata.

Sidoo kale riyada noocan ah waxay tusin kartaa xaylad la’aan dadka aad maqashay oo cagaha laga jaray inaysan wax qabsan doonin oo balaayo ay ku habsanayso, marka riyada lugaha la jaray astaamaha ugu weyn ay leedahay waa khasaarada aan soo sheegnay khasaaradaas waxyaabo badan ayay noqon kartaa, qofka in mustaqbalkiisa habaabo oo uu gaari waayo dadna uu lahaa.

Sidoo kale haddii dadkaas ay waxbarasho ku jireen inaysan guul ka keeni doonin waxbarashada, hadday guur rabeen inay ku dhaqaaqaan sidoo kale guurkaas ma gaari karaan.

Si kaste ha ahaatee cagaha jarjaran ma fiicna.

Waxan Ku Riyooday Anoo Labada Gacmood Ay Iga Soo Baxeeen Finan

Exit mobile version