Riyada cadayga iyo wax madow indhoole ah
Su’aasha:
Walal waxaa kaloon ku riyoodaa isbuuciiba laba ama sadex habeen anoo cadaysanaya oo waliba haysta caday dheer oo aad ugu faraxsan inaan haysto caday dheer.
Waxaa kaloon ku riyooday habeen dhawayd anoo hurda ayaan arkay wax madow oo wayn oo aan lahayn indho oo lkn leh afar cagood oo aad u madow wuuna soo siqayay oo aad uma socon karin waan sasay oo waan ka cararay wuuna igu soo socday hadana kadib waan yara fikiray waxaana dhahay iska daa anaa ku aqaano ee waxaana bilaabay sadexda quluwale iyo adkaar waana ku celceliyay ilaa uu wixii madoobaa ee waynaa uu noqdo waliba aan waayo meel uu ka baxay..
Walal ilaa hada meeshii aan habeen kii ku arkay waxaas waan ka baqaa bal iso fasir adoo raali ah walal.
