SCW qofka mararka qar wuxuu ku riyoonaa riyo cabsi lix sida asoo meel kasoo dhacaayo ama gaari dhufanayo ama mas qaniinayo ama guriga uu ku jiro gubanayo asoon ordi karin qofka ridas markuu arko wuxu soo toosaa asoo wadnaha garacmayaan marka maxaa la dhihi karaa riyadaa?
Jawaabta:
Riyada cabsida leh inta badan shaydaan ayay ka timaadaa laakin riyada mararka qaar tafsiir ayay yeelan kartaa iyadoo ay tahay riyo laga naxo, taas waxay u noqonaysaa qaabka riyada ay tahay.
Tusaale ahaan qofka marka uu ka fikirayo arrin uu ka walwalsan yahay way dhici kartaa inuu riyo ku arko si naxdin lehna ugu arko, riyadaas inta badan waa riyo shaydaan isaga ku cabsiinayo.