Site icon Daruur درور

Riyada buunka qiyaame iyo dabayl daran

Su’aasha:

Asc wll waxan arke riyo madaxeyga ka bixi la ila hada
Waxan ku riyooday iyadoo suurkii qiyaamaha la yeerinayo dabeel badanne ey socoto aniga kursi aan ku fadhiye ayaan ka dhacay waana ashahaatay kidib ina dhinte anoo isku moodo ayan soo kacay anoo dhahayo alla sakaraadka ayan dhadhamiye oone dhahayo rabiyow raxmanow anoo ashahaadanayo nafta iga qaad ano sidas ku duceysanayo fajarka ku kacay.
Jazakaallh.

Riyada buunka qiyaame iyo dabayl daran
Riyada buunka qiyaame iyo dabayl daran

Jawaabta:

Riyada waa digniin waxaa lagaaga digayaa dambiga, waxaa kaloo ay tilmaamaysaa riyada musiibo weyn inay dhacayso oo dadka oo dhan ay ku habsan doonto musiibadaas dagaal ayay noqon kartaa ama cudur halis ah oo safmar ah oo dadka halaagaya oona ah cadaan xagga Alle ka yimid.

Marka waligaa towbadda ku sugnow oo iska ilaali inaad xumaan samayso Alle u noqo.

Exit mobile version