Site icon Daruur درور

Riyada boorash oo saaxiibka lala cunayo

Su’aasha:

Asc wllo waxan xalay ku riiyooday aniga iyo wiil aan saxiibo nahay oo mar aan wada daganeeen aan u imaaday asaga oo boorash aad u macan karinaya kadib waan la cunay macanka boorashka markan jeclaaday baan iibsaday laba bakad oo boorash ah si aan u karsada. maxay noqon kartaa fasiirkeeda.

Riyada boorash oo saaxiibka lala cunayo
Riyada boorash oo saaxiibka lala cunayo

Jawaabta:

Riyada waxay tilmaamaysaa inaad heli doonto wax fiican waxaana sabab u noqon doono qof saaxiibkaaga ah, marka aad aragto cunto macaan badan waxaa lagu fasiraa nolol wanaagsan iyo arsaaq badan iyo barwaaqo, marka riyada waa riyo aad u fiican.

Boorashka wuxuu ka mid yahay cuntada nafaqada leh oo laga helo vitamino badan, marka cuntada ay fiican tahay oo riyo lagu arko iyadoo macaan ah oo qofka uu cunayo waa riyo aad u fiican saan kuu soo sheegay

Exit mobile version