Riyada bambo oo guriga ku qarxaysa oo aniga kaligay ka badbaadaya

Su’aasha:

اَلسَلامُ عَلَيْكُم وَرَحْمَةُ اَللهِ وَبَرَكاتُهُ‎

Waxa aan ahay wiil iskaabulo ah Waxa aanan ku riyooday ano xaas qabo oo uur la ii leeyahay oo aadna u faraxsan Blse aniga & xaaskayga oo guriga joogna oo iska baashaalayna ayay rag noo soo galeen aanan garanayn kadibna waxa ay ii dhiibeen biryar oo malaasan wayna yaaceen dhamaantood markii aan fiiriyayna waxa ay noqotay birtii bambo kadibna anigoo gacanta ku haya ayay qaraxday Dab & holac aya isla kacay wuuna burburay gurigii dhamaan dadkii guriga ku jiray way dhinteen xata xaaskaygi Waxaana ka badbaaday aniga oo kaliya Wax dhaawicina ima soo gaarin Bal riyadaas iso fasira mahadsanidin

Riyada bambo oo guriga ku qarxaysa oo aniga kaligay ka badbaadaya
Riyada bambo oo guriga ku qarxaysa oo aniga kaligay ka badbaadaya

Jawaabta:

WC  Riyada waxay tilmaamaysaa mashaakil la xiriira qoyska inay kugu soo furmi doonaan, sidoo kale cabsi daran inay kuu imaan doonto, qalqal iyo walwal inaad gali doonto, waxaa kaloo riyada ay tilmaamaysaa macsiyo iyo dambi weyn in meesha lagu hayo, waxay noqon kartaa digniin, haddii aad guur damacsan tahay gabadha aad guursaanayso si fiican u hubi reer keeda iyo dhaqankeeda, sidoo kale inay fiican tahay iyo in kale, Ilaahay khayr haku waafajiyo, shartana hakaa qabto.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More