Site icon Daruur درور

Riyada arin caafimaad oo cajiiba

Su’aasha:

waad mahadsan tihiin guud ahan webka ugu adeegida fiican bulshada
Allah macak

waxaan ku riyooday anoo bulshada dadwaynaha kala hadlaaya
in aan caasimada aanku noolahay
ama magaalooyinka
dhinaca biyo xidhaanku kuyaalo ama ay magaaladu biyaha ka hesho ee kaydka biyaha
iyo xabaalaha dadka lagu aaso aan dhinac lawada marin ee LAKALA fogeeyo
oo kaydka biyuhu magalada waqooyi buu ka xigaaye
xabaalaha koonfurta nagaalada ka mariyo
arintaasoo aan u arkaayay in ay tahay arin u fiican caafimadka bulshada
ma xasuusto inaan warbaahinta kala hadlayay iyo inaan toos ula hadlayaye
waxaan maqlaayay dadkoo arintaasi aad ula dhacay oo meelkasta la iga hadal hayo
xataa waxaan hadal hayn tayda ka maqlayay anoo maraaya meel wadadoogoo aad uqurux badan oo dad reer miyi ahi dagan yihiin maraayaan maqlayay iyagoo hadal hayntayda ku sheekaysanaya kabacdi waan qosloo aad baan ugu farraxsanaa arin taasi
Allah mahadle.

Riyada arin caafimaad oo cajiiba
Riyada arin caafimaad oo cajiiba

Jawaabta:

Riyada waxay tilmamaysaa mustaqbalka meesha aad gaari doonto, iyo saamayska aad yeelan doonto iyo maamulka aad la imaan doonto, sidoo kale waxay tilmaamaysaa inaad noqon doonto qof shaqada jecel, iyo qof bulshada ka dhex muuqda oo hadalkiisa la maqlo.

Exit mobile version