Waxaan xaley ku riyooday wiil abtigay dhalay oo i dhahaayo account-kayga lacagta iiga soo bixi ka dibna lambarkeyga ku soo dir markaasaan lambarkisi maahanee lambar kale ayaan lacagtii ku qalday lambarkii aan ku qalday aan wacay markaasaa waxaa iga qabtay dad inkiraayo lacagtii ina caaynaayo wiilkii Abtigey dhalay saasey tahay isaguna safar buu ahaa wuxuu isku dayey inuu lacagta iska dhaafo marka waxaan ku soo kacay anoo rabo inaan shirkada waco lambarka shirkadana layga qabaneynin anna aan rabo inaan wiilkan abtihey dhalay aan lacagtiisa shirkada kaga soo celiyo riyadaas maxaa lagu fasiraa?
Jawaabta:
Riyadan waxay kaaga digaysaa inaad samayn doonto fal aan habboonayn inaad wax siin doonto dad aan xaq u lahayn inaad wax siiso, oo markaas aad ka shallaayi doonto, inta badan riyada digniinta ah waxaa laga qaataa suluug wanaagsan qofka waxay siinaysaa baraarug inuu ku dhaqaaqo qalad iyo gef oo burburin kara waxyaabo badan la xiriira nolosha iyo dhaqanka uu ku dhaqmayo.
Lacagta aad si qaldan u dirayso waxay ka dhigan tahay inaad wax siin doonto qof aan istaahilin waxaaba laga yaabaa inaad hadda sidaas samaynayso oo lagaaga digayo oo aysan riyada la xiriirin mustaqbalka soo socda.