Aniga waxan ahay 28 jir waaan sigeysan jiray ilaa yaranteydi waligey mahelin wet dream siigada miyaa usabab ah mida kale hadii an joojiyo siigada in meeqa la eg ayaay qadaneysa inaan riyoodo mid kale hadii an riyadas helo mala dhihi karaa agoodi way iso laabatay oo ma guursan karaa mida kale dadka riyooda bil kasta miyaay riyodan mise habeen kasta mise sanadki mar.
Jawaabta:
Riyada janaabada ama riyada galmada lagu biyabaxo waxaa keena biyaha qofka ku batay, qofkii biyaha ay ku bataan mararka qaarkooda huradada ayuu ku biyabaxaa asoon riyo arkin, mararna qofka wuxuu arkaa asoo raaxo naag la samaynayo ama galmo ama wuxuu arkaa cowrada dumarka markaas ayuu biyabaxaa, taas dadka way ku kala duwan yihiin waxay u noqonaysaa qofka siduu yahay dareenkiisa iyo cuntada uu cunayo, dadka qaarkii isbuucii labo jeer ama ka badan dadna bishii hal jeer ama ka badan, dad waxaa jira habeen kaste isku junuuba, taas raga kaliya ma aha xataa dumarka way isku januubaan sida xadiiska Bukhaari wariyay kusoo arooray.
Marka aan ka hadalno seegada iyo janaabada habeenkii xiriirka ka dhexeeya , raga siigaysta janaabadooda habeenkii way yaraanaysaa waxaaba laga yaabaa inaysan isku arkin janaabo ama riyo ay ku biyabaxaan.
Adiga sida aad sheegtay muddo dheer ayaad siigada soo wadday si xoog ayay ku saamaysay, muddo ayaad u baahan tahay inaad soo celiso awoodda ay kaala tagtay, waxaa ugu muhimsan inaadan siigo mar kale u laabanin.