Site icon Daruur درور

Raga dharka dumarka ku waalan dareen ahaan

Su’aasha:

Sc marka hore salan qaali iga gudooma dadka webkan ka shaqeeya oo aadka u qimaha badan runti web somali kan oo kale ma arag adeeg weyn ayad bulshada u haysaan su’aashayda markan u guda galo wiil aan saaxibo nahay dhib ayuu qabaa kaasoo ah inuu u kacasdo dharka haweenka haduu arko diraca ama gorgorad ama kastuumo ama rjestiino wuxuu la mid yahay asoo naag qaawan arkay mararka qaar taas way kenaysaa inuu siigaysto, xataa haduu guri kale tago oo uu musqusha galo oo uu arko dirac suran ama kastuumo jinigisaa soo dagay hadaba qofkaas sidee buu isaga reebi karaa ma laha dhihi karaa taas waa cudur.

Raga dharka dumarka ku waalan dareen ahaan
Raga dharka dumarka ku waalan dareen ahaan

Jawaabta:

Arintaas waxay u noqonaysaa nafta waxaa laga yaabaa markuu yaraa in waxaas uu bartay ama dad ka maqlay xiriirka ka dhexeeya galmada iyo dharka, dhibaatooyinka noocan ah qofka waxay kasoo gaaraan tarbiyada xun ama bulshada aan xishoodka lahayn, cunuga yar marka waxaas laga dhaadhiciyo wuu la qabsanayaa fikirkiisa meesha ayuu aadayaa.

Culimada ku takhasusay nafsiyaadka waxay u arkaan inay tahay arrintaas jirro nafsi ah oo u baahan qofkaas in la daaweeyo, caadi ahaan qofka waa laga yaabaa inuu dharka dumarka hoose ka xirtaan markuu arko inuu kacsado markuu soo xasuusto meesha uu xiriirka la leeyahay, waxaa la mid ah waxyaalaha la urinayo sida cadarka oo kale oo qofka ku kacsada, laakin marka sheekada ay xadkeeda dhaafto cudur ayay isu baddalaysaa.

Qofkaas waxaa lagu daaweyn karaa inuu guursado hadduu doob yahay oo laga dhaadhiciyo raaxada dhabta ah inaysan xiriir la lahayn dharka, markuu xaaskiisa u galmooda uu arko dhabta galmada lagana dhaadhiciyo oona lagala hadlo wuu ka raysan doonaa, wuxuu ku qanci doonaa inay arrintaas dhab ahayn oo galmada ay wax kale tahay, hadduu dharka hawenka urursan jiray toos ayuu uga tagayaa markuu fahmo xaqiiqada.

Wuxuu u baahan yahay qof seykoloojiga ku takhasusay oo fadhiyo la yeelanaya oo lagu daaweynayo isaga, hadduu xaas qabo oona uu yahay sidaas iyadana isla daawan ayaa loo marayaa laakin waxaa laga dhaadhicinaya xaqiiqa galmada iyo dareenka khayaalka dharka.

Exit mobile version