Qoys wada jooga ilaa 5 sano iyagoo gabar dhalay ayaan ku riyoodaa
Su’aasha:
Asc
Wll waxa jira qoys wada jooga ilaa 5 sano balse aan awlaad isku lahayn
Waxanan ku riyooda iyaga oo cunug u dhashay waliba gabar ah.
waliba inbadan baan xata gabadhi yarayd riyo ku arkay iyada oo guurguuranaysa oo kortay
Blse
Ilaa hada qoysku wax cunuga maleh
Marka maxay noqonaysaa riyada noocaas ahi.
Jawaabta:
Riyada waa khayr ay heli doonaan mustqablaka inshaa Allaah khayrkaas Alle ha uga dhigo inay ubad dhalaan.
Guud ahaan waa riyo bishaaro ah oo khayr wadata.
Waxay noqon kartaa middaas inay ilmo dhalayaan oo adiga lagu tusinayo, laakin riyada inta badan muddo kaddib ayay furantaa.