Qofkii ku riyoodo kacbada maxa lagu fasiraa
Su’aasha:
Waxaan rabaa inaad ii fasirtan riyada kacbada qofja hadu arko asoo kacbada agteeda jooga maxaa lagu fasiraa xaj miyuu helaa mise waa wax kale?
Jawaabta:
Riyada kacbada waxay tilmaamaysaa hanuun iyo masjid iyo salaad, maxaayeelay waa meel muqadas ah oo muslimiinta ay xajka ku kulmayaan.
Sidoo kale kacbada waxay tilmaamaysaa cadaalad iyo sinnaan; maxaayeelay dadka ku dhawaafaya waxay noqonayaan dad isla siman oo hal dhar wata oo hal Ilaah caabudaya, guud ahaan riyada kacbada waa riyo macaani badan wadata oo fiican, qofkii ku riyoodo asoo kacbada ag jooga waa qof heli doono booqashadeeda xajka ama cimrada.