Site icon Daruur درور

Qofkii gabar ballan guur uga baxo dambiga uu ka helayo

Su’aasha:

asc wl suashedu waxa weye danbi inte leg bey noqoneysa nin guur ubalan qaday gabar kagana baxay sabab uga dhigay inuu heynin xoolo.

Qofkii gabar ballan guur uga baxo dambiga uu ka helayo
Qofkii gabar ballan guur uga baxo dambiga uu ka helayo

Jawaabta:

Diinta islaamka waxay amartay in ballanka la fuliyo qofkii ballan qaado waa inuu kasoo baxaa ballankaas.

Aayado badan ayaa tilmaamay meesha ay ballanta ka taagan tahay diinta, wuxuu yiri Alle:

(وَأَوْفُوا بِالْعَهْدِ ۖ إِنَّ الْعَهْدَ كَانَ مَسْئُولًا) ‎

(Oofiyana ballanka illeen Ballanka waa lays warsane)

(يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا أَوْفُوا بِالْعُقُودِ ۚ)

(Kuwa (Xaqa) Rumeeyoow Oofiya Ballanka).

Qofkii ballanka kasoo bixi waayo dambi ayuu galay dambigaas wuxuu u noqonayaa qaabka ballanka uu yahay, tusaale ahaan qof gabar ka ballanqaaday inuu guursanayo oo muddo ay sugaysay oo rag badan soo doontay ay dartiisa u diidday marka ugu dambaysa ballankii kaga baxay, sababna aan jirin uu ballanka u buriyo, waad garan kartaa dhaawaca uu u geysanayo waayo waqti badan ayuu ka lumiyay gabadha.

Sidaa awgeed culimo badan uu ka mid yahay Al-dahabi ayaa ku tiriyay burinta ballanka inay ka mid tahay dambiyada waaweyn ee kabaa’irta loo yaqaano oo naarta lagu mutaysto.

Laakin haddii taas ay u keentay arrin ka baxsan awooddiisa sida asoo hanti beelay oo kale taas waa arrin ka baxsan awooddiisa taas hadday dhaco waxaa laga rabaa inuu u sheego gabadha xaalkiisa hadday sidaas ku ogolaato waa inuu ballanka fuliyaa oo uu guursadaa hadday ay hanti la’aan ku diiddo waa wax kale.

Exit mobile version