Site icon Daruur درور

Qofkii arko asoo geed aad u dheer fuulaya oo shawriga u eg

Su’aasha:

SCW qofka markuu arko asoo fuulaya geed aad u dheer oo shwriga u eg cagaaran riyadaas maxaa lagu fasiri karaa?

Qofkii arko asoo geed aad u dheer fuulaya oo shwriga u eg
Qofkii arko asoo geed aad u dheer fuulaya oo shwriga u eg

Jawaabta:

Riyada fuulitaanka geedka dheer waa riyo fiican oo tusinaysa farxad iyo guul iyo sharaf uu qofka heli doono, sidoo kale geedka dheer waxaa lagu fasiraa cimri dheer, qofkii arko asoo fuulaya geed aad u dheer oo gaaray meesha ugu sarraysa wuxuu helayaa arsaaq fiican iyo nolol raaxo leh iyo cumri dheer.

Waxaa kaloo lagu fasiri karaa qofka hadduu yahay qof  shaqaynaya in la dalicin doono oo uu gaari doono darajo aad u sarraysa.

Hadduu yahay qof ganacsate ah inuu ribxi badan heli doono.
Hadii uu yahay arday oo iskuul ama  jmaacad dhiganaya inuu keeni doono mark aad u sarreeya.

Guud ahaan riyada waa riyo aad u fiican.

Exit mobile version