Site icon Daruur درور

Qofka sinaysta qasab miyaa inuu guursado naag sinaysata

Qofka sinaysta qasab miyaa inuu guursado naag sinaysata

Su’aasha:

walaal qofki zineesta ee towbad keena khasab miya inu guursada naag zaniyad ah ama marku gursado kadib in loo dawa maro mise haduu towbad keeno wuu ka badbaada.

Qofka sinaysta qasab miyaa inuu guursado naag sinaysata
Qofka sinaysta qasab miyaa inuu guursado naag sinaysata

Jawaabta:

Qofka hadduu towbad dhab ah keeno Ilaahay wuu ka dhaafaa dambiga uu galay, wuxuu yiri Alle (SW):

 

(وَالَّذِينَ لَا يَدْعُونَ مَعَ اللَّهِ إِلَٰهًا آخَرَ وَلَا يَقْتُلُونَ النَّفْسَ الَّتِي حَرَّمَ اللَّهُ إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَا يَزْنُونَ ۚ وَمَن يَفْعَلْ ذَٰلِكَ يَلْقَ أَثَامًا * يُضَاعَفْ لَهُ الْعَذَابُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ وَيَخْلُدْ فِيهِ مُهَانًا ‎* لَّا مَن تَابَ وَآمَنَ وَعَمِلَ عَمَلًا صَالِحًا فَأُولَٰئِكَ يُبَدِّلُ اللَّهُ سَيِّئَاتِهِمْ حَسَنَاتٍ ۗ وَكَانَ اللَّهُ غَفُورًا رَّحِيمًا)

(Ee ah kuwaan Caabudayn Eebe La Jirkiisa Ilaah kale, oona dilayn baftuu Eebe xarrimay dilkeeda xaq mooyee oon zinaysanayn, ciddii saas fashana waxay la kulmi dambi * waxaana loo laab laabi cadaabka maalinta qiyaame wuuna ku waari dhexdiisa isagoo dullaysan * ciddii toobad keenta oo rumaysa oo fasha vamal fiican mooyee, oo kuwaas waxaa loogu badali xumaantooda wanaag, Eebana waa dambi dhaafe naxariista)

Waxaa shardi ah inuusan zinada mar kale u laabanin maxaayeelay markuu ku laabto sifada zaaniga ayuu mudanayaa markaas ciqaab aduun iyo mid aakhiro ayuu la kulmayaa, ciqaabta adduunka waxaa soo galaya in Ilaahay ku ibtileeyo naag iyadana sinada samaynaysa.

Qofka sinaysta qasab miyaa inuu guursado naag sinaysata

Ninkayga ayaan furiin ka dalbaday naar miyaan ku galaa

 

Riyada galmada qaldan

Exit mobile version