Site icon Daruur درور

Qofka siigeysta ama biyaha ay si kale kaga yimaadaan Qubeys Jinaabo ah miyaa ku waajibo

Su’aasha:

Asc biyaha ku yimaado Taabasho Siigo ama Si kale adoo hurda oo kale Qubeyska Laga qubeysanayo ma waxaa la waafajinayaa Sida Jinaabada looga qubeysto mise Si caadi ah oo nijaaso ku gaartay oo kale baa looga meyran karaa.

Qofka siigeysta ama biyaha ay si kale kaga yimaadaan Qubeys Jinaabo ah miyaa ku waajibo
Qofka siigeysta ama biyaha ay si kale kaga yimaadaan Qubeys Jinaabo ah miyaa ku waajibo

Jawaabta:

Waa sida jnaabada oo kale, maxaayeelay biyaha hadday mar kaa baxaan waxaad ku dhacday janaabo waa inaad qubeysataa qubayska janaabada, farqi uma dhexeeyo inaad gacan ku bixisay ama inay hurdo kaaga baxeen ama inaad xaaskaaga u galmootay, midda xaaska waxaa kuu sii dheer biyaha inay kaa baxaan shardi ma ah, xataa haddaad madaxa xubinta u galiso qubeys ayaa kugu waajibaya.

Exit mobile version