Qofka hooyadiisa iyo walaalihiisa dhib ku qaba wuxuu sameeyo

Su’aasha:

Asc , ninbaa dhibaato ku qabaa qaraabadiisa si gaar ah walaalahiisa iyo hooyadiisa , way dhibaan way ciriiriyaan , marka maxaa la gudboon ninkaan, mise wuu goynayaa ?

Qofka hooyadiisa iyo walaalihiisa dhib ku qaba wuxuu sameeyaa
Qofka hooyadiisa iyo walaalihiisa dhib ku qaba wuxuu sameeyaa

Jawaabta:

Ma gooyn karo hooyadiisa iyo walaalihiisa, laakin wuxuu ka fogaanayaa dhibka ay ku hayaan hadduu awoodo inuu meel kale ka aado way fiican tahay, dal kale ama magaalo kale, si aan laysugu dhicin, haddii uu xaqa u sheegi karo oo uu u caddeyn karo waa wax fiican, ama hadduu soo galin karo qaraabada kale ama akhyaar iyo culimo si loo eego dhibka ay ku hayaan dadkaas, laakin waa inuu xiriiriyaa oo uu wax u qabtaa haddii uu awoodo, laakin inuu gooyo waa xaaraan.

xadiiskan ku dhaqan:

(أنَّ رَجُلًا قالَ: يا رَسُولَ اللهِ، إنَّ لي قَرَابَةً أَصِلُهُمْ وَيَقْطَعُونِي، وَأُحْسِنُ إليهِم وَيُسِيؤُونَ إلَيَّ، وَأَحْلُمُ عنْهمْ وَيَجْهَلُونَ عَلَيَّ، فَقالَ: لَئِنْ كُنْتَ كما قُلْتَ، فَكَأنَّما تُسِفُّهُمُ المَلَّ وَلَا يَزَالُ معكَ مِنَ اللهِ ظَهِيرٌ عليهم ما دُمْتَ علَى ذلكَ).

(nin ayaa yiri: rasuulkii allow waxaan leeyahay qaraabo waan xiriiriyaa way i gooynayaan, wanaag baan u sameeyaa xumaan bay igu sameeyaan, waan u dulqaataa, qalad bay iga galaan, wuxuu yiri: haddii aad ku sugan tahay waxa aad sheegtay, waxaad la mid tahay qof iyaga cunsiinayo dambas kulul, maadaama aad sidaas tahay gargaare xagga Alle ayaa kula jiraya waligaa).

xadiiska Muslim ayaa wariyay.

Marka Alle ayaa kuu gargaaraya qalbigooda ayuu badali karaa wanaag bay kula dhaqmi karaan, marka adiga ku dhaqan xadiiska, ha gooyinin hooyadaada iyo walaalahaaga.

 

Caruurta gaalada ma garacyo baa maadaama aysan nikaax islaami ku dhalan

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More