Qofka ay ku yar tahay tayada manida (low sperm) daawada dabiiciga u roon
Su’aasha:
Asalamu Alaikum Dr waxaan ahaay dhibane mudo dheer xagaa dhalmada shahwadey at ayu u yaar yahay ama low sperm count
maaxat igula talin lahet in an sameyo IVF kaa haal maar ayaan sameyay natijada naa zero ayu noqday ee maxat igulaa taalin laahet waad mahad santahay..

Jawaabta:
Qofka xaaladdaada oo kale haysata (low sperm) oo tayada manida ay ku yar tahay, wuxuu adeegsan karaa waxyaalo dabiici ah oo uu ku badin karo tayada shahwada.
Xaba sowda aad bay u fiican tahay inaad adeegsato sidoo kale cuntada inaad ku dadaasho sida hilibka lo’da aan baruurta lahayn, beerka, ukunta, kellida, kalkluunka, iyo dhammaan cuntada badda, (seafood), digirta.
Sidoo kale vitamin (E) oo laga heli karo saliidda sareenka ama qamadiga iyo vitamin (C) oo laga heli karo furuutiska sida liin dhanaanta iyo liin bambeelmada, barbarooniga, waxaa kaloo aad u baahan tahay vitamin (B) oo laga heli karo malabka boqoradda shinida, caanahana waa inaad ku dadaashaa, iyo toonta iyo basasha inshaa Allaah tayada biyaha way siyaadayaan sidoo kale geedka Ginseng oo kuuriyaaanka ah isagana waa muhim.
Haddii aad ku dadaasho cuntooyinkaas tayada biyaha way kuu badanaysaa, waxaa la rabaa inaad ku dadaasho oo aad ugu talagasho, haddii efekshan uu jiro xagga biyabareenka waa inaad iska baartaa isaga sabab ayuu u noqon karaa tayada biyaha inay yaraadaan.
Waxa loo yaqaano bacriminta in vitro, ingiriiskana (In vitro fertilization), carabigana أطفال الأنابيب inta badan waxaa la sameeyaa marka dhinac walba la tijaabiyo oo naagta ay uur ku qaadi karto.
Wayna dhici kartaa in Ilaahay uu kuu fududeeyo arrimahan haddii aad ku dadaasho daawooyinka dabiiciga ah oo cuntada laga helo, sidoo kale inaad ducaysato oo Ilaahay aad mar walba bariyiso.
Qoraal kale ku saabsan tyada biyaha raga
Malabka Macun waxa uu u taro raga iyo dumarka
Tobanka Biyaha Raga Tayo U Yeelaya Oo Dabiici Ah
A person with a condition like yours (low sperm) and low sperm quality can use natural products to increase sperm quality.
Soybean oil is very good to use as well as foods to strive for such as lean beef, liver, eggs, kidneys, turkey, and all seafood, beans.
Also vitamin (E) which can be found in safflower oil or wheat and vitamin (C) which can be found in fruits such as lemon and grapefruit, beetroot, you also need vitamin (B) which can be found in royal jelly, and milk you should strive for, and garlic and onions, God willing, increase the quality of water, as well as the Korean Ginseng plant is also important.
If you try these foods, your water quality will increase, you need to try and be intentional about it, if there is an effect on the water supply, you should check it out, it could be the reason for the water quality to decrease.
It is known as in vitro fertilization, in English (In vitro fertilization), and in Arabic, أطفال الطبيع is usually done when every aspect is tested and the woman can get pregnant.
It is possible that God will make these matters easier for you if you try natural medicines found in food, as well as praying and always asking God for help.
Another article about water quality in men
