Waxan ahay nin bidaar leh,waxan ku ritoodey anigoo timo leh,mar timo jilicsan marna timo adag,ma aa lagu fasiri karaa.
Jawaabta:
Nin bidaar leh haduu ku riyoodo asoo timo leh riyada waxay tilmaamaysaa inuu heli doono cimri dheer iyo nolol fiican oo hanti la socoto, qofka bidaarta leh riyada timaha waxay u tahay wax fiican oo khayr ah, muhim ma aha inay yihiin timo jilicsan ama timo adag, taas waxay tilmaami kartaa xaaladaha kala duwan oo uu mari doono, guud ahaan timaha waa wax fiican marka uu ku riyoodo bidaarle.