Qisti hindiga waxa uu u taro caafimaadka jirka
Su’aasha:
scw qisti hindiga muxuu daawo u yahay fadlan waxaan idinka rabaa faahfaahin dheeraad ah.
Jawaabta:
Geed qisti al hindi oo carabiga la dhaho القسط الهندي ingiriiskana (Saussurea costus)
Qisti hndiga waxaa laga keenaa dalka hindi gaar ahaan Kashmiir
sidoo kale Shiinaha carabiga wuxuu leeyahay dhowr magac oo kala ah القسط البحري القسط الهندي ، العود الهندي.
Wuxuu ka mid yahay qusd hindiga geedaha daawada ah wuxuu daaweeyaa jirooyin badan
wuxuu ka hortagaa feyruusyo fara badan
sidoo kale hargabka ayuu u roon yahay iyo caabuqa kalabaxyada lafaha jirka,
waxaa kaloo uu u roon yahay xanuunka dhiiga caadada ama wareerka dhiiga caadada,
saliida geedkaas waxay u roon tahay fin doobka iyo nabraha
iyo jeexjeexa maqaarka jirka iyo dhibcooyinka maqaarka yeesho iyo jirka
oo maqaarooba sida naasaha dumarka dhacay oo kale,
waxaa kaloo uu u roon yahay geedkaas saliiddiisa timaha
sidoo kale afka urayana waa lagu daaweeyaa, wadnahana waa u roon yahay qist hindiga,
wuxuu kaloo xoojiyaa awooda galmada ama raaxada galmada,
guud ahaan waa geed aad u faa’ido badan.
Waxaa kusoo arooray qisd hindiga xadiis saxiix ah Bukhaari iyo Muslim ay wariyeen
wuxuu yiri rasuulka (SCW):
(عَلَيْكُمْ بِهَذَا العُودِ الهِنْدِيِّ، فَإِنَّ فِيهِ سَبْعَةَ أَشْفِيَةٍ: يُسْتَعَطُ بِهِ مِنَ العُذْرَةِ، وَيُلَدُّ بِهِ مِنْ ذَاتِ الجَنْبِ)
(Geedkan hindiga laasima waxaa ku sugan toddobo daawo
dhuun xanuunka ayaa laysaga daaweeyaa dhinac xanuunkana waa loo qaataa)
Culimada qaar waxay ku fasireen dhinac xanuunka
xadiiska kusoo arooray xanuunka kelliyaha ama cudurka tiibishada,
waxaa kaloo lagu fasiray caabuqa xuubka sambabada.
Qisti hindiga waxtarka uu leeyahay xaga caafimaadka
Costus Hindiya waa geed asalkiisu yahay hindiya oo la yaqaano ilaa waayihii hore
waxaana loo isticmaali jiray daawo qadiimi ah,
wuxuuna leeyahay faa’iidooyin badan oo daawo ah oo lagu daaweeyo cuduro fara badan.
Costus Hindiyuhu waxa lagu gartaa awooda uu u leeyahay daweynta dhibaatooyinka
caafimaadka qaarkood oo ay ku jiraan kuwo halis ah,
waxaana jira noocyo badan oo geedahaan ka mid ah, oo qaarkood ay adagtahay in la helo.
Costus hindiga waa mid ka mid ah geedaha ugu muhiimsan ee Hindiya ee loo adeegsado oo lagu daweeyo dadka xanuunsan.
waxaana ka mid ah faa’iidooyinkaan daaweynta uurka oo dib u dhacay iyo dhibaatooyinka habdhiska taranka, caleenta geedkaas waxay u shaqeysaa inay nidaamiso hoormoonka caanaha,
waana in loo qaataa si dhexdhexaad ah oo aan la qaadan xilliga caadada oo la joojiyo qaadashadeeda marka ay uurka leedahay. geedka qusd alhindiga waa geed aad u fiican oo dabiici ah.
Qisti hindiga waxtar badan ayuu leeyahay faahfaahin dheeraad waxaad ka heli kartaa halkan adoo ka faa’idaysan kara afafka kala ah carabi ama English
Qisti hindiga wax badan ayaa laga qoray halkaas ayaad kaga bogan kartaa waxyaabaha uu caafimaadka u taro Qisti hindiga meelo badan ayaa laga helaa gaar ahaan meelaha lagu iibiyo midaawaadka.
Qusdu hindiga sixirka xataa waa lagu daaweeyaa
Waxaan rabaa inaad ii sheegto sida loo isticmaalo ginseng
Ginseng miraha oo kale ah qaabka loo isticmaalo
Qisti hindiga iyo caafimaadka dumarka xaga dhalmada
Ereyada raadinta: qist al hindi Qust (Qist, Costus) is of two types: Hindi (Indian)
هو أحد الأدوية التي يعالج العديد من الأمراض، فهو يمنع العديد من الفيروسات
كما أنه جيد للإنفلونزا وعدوى المفاصل العظمية للجسم،
كما أنه جيد لآلام نزيف الحيض أو ارتباك نزيف الحيض،
زيت ذلك النبات جيد لحب الشباب والجروح
وجلد الجسم مثل ثدي النساء المترهل،
كما أنه هو أحد الأدوية التي يعالج العديد من الأمراض،
فهو يمنع العديد من الفيروسات
كما أنه جيد للإنفلونزا
وعدوى المفاصل للجسم،
كما أنه جيد لآلام نزيف الحيض أو ارتباك نزيف الحيض،
فتروي أم قيس بنت محصن رضي الله عنها، أنها سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول:
«عليكم بهذا العود الهندي» فاستعملوه، وهو: خشب طيب الرائحة يؤتى به من الهند، فيه مرارة يسيرة؛