Site icon Daruur درور

Niyada hadday gabar iisoo gasho sidaas aan ku biyabaxo ma siigo baa

Su’aasha:

Asc walaal hadaan niyeysto anoo wasmo sameynaya oo aan sidaas ku biyo boxo anigoon wax siigo ah sameyn xukunkeedu muxuu yahay?

Niyad ahaan gabar anoo u galmoonayo hadaan ku fekero oo ay sidaas biyaha iiga yimaadaan anoo wax siigo ah sameyn ma dambi baa?.

Niyada hadday gabar iisoo gasho sidaas aan ku biyabaxo ma siigo baa
Niyada hadday gabar iisoo gasho sidaas aan ku biyabaxo ma siigo baa

Jawaabta:

Niyadda labo ayaan u qaadaynaa mid oo adoon rabin so xoog maskaadada usoo gasho oo aadan reebi karin, iyo mid adiga aad raadsanayso oo aad suuraysanayso labadooda way kala duwan yihiin

Haddii qalbiga ay kuusoo gasho naag adoon ka raadinin maskaxdaada oo aan raaraacin oo sidaas aad ku biyabaxdo ma tihid qof siigastay.

Laakin haddii aad soo qaatao gabar ama naag oo aad maskaxda galiso mrkaas aad xubintaada daliigayso ama leel aad ku riixayso siigo ayaa lagasoo qaadayaa.

Waliba raga siigaysta sidaas ayay u badan yihiin inay naag qalbiga soo galiyaan ayay ku raaxaystaan.

mararka qaar waa lagugu qabsanayaa wixii aad maagto oo niyadda galiso. wuxuu leeyahay Alle:

(وَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ فِيمَا أَخْطَأْتُم بِهِ وَلَـٰكِن مَّا تَعَمَّدَتْ قُلُوبُكُمْ ۚ وَكَانَ اللَّـهُ غَفُورًا رَّحِيمًا )

(Korkiinana dhib ma saarna waxaad ku gaftaan, hasayeeshee waxay u kasto Qulubtiinu (yaa laydin waydiin) Eebana waa dambi dhaafe Naxariista)

Raadraac

Exit mobile version