Site icon Daruur درور

Ninku inuu guursado xaas labaad iyo sadaxaad waa maxay shardiga

Ninku inuu guursado xaas labaad iyo sadaxaad waa maxay shardiga

Su’aasha:

A S C, Su’aashan qabo waxa weeyan nin hal xaas qaba for any reason example ninku gabadha u qabo xaqu kulaha dhinaca sariirta hadu caqabad kala kulmo iyo hadii ay hadalkisa maq’li waydo iyo muran’keega, khilaaf’keegu ku bato…..etc, ninkaas hadu rabo inu xaas labaad guursado shuruudaha loga baahan yahay inu buuxiyo maxa kamid ah mahad sanid.

Ninku inuu guursado xaas labaad iyo sadaxaad waa maxay shardiga
Ninku inuu guursado xaas labaad iyo sadaxaad waa maxay shardiga

Jawaabta:

Qofka raba inuu xaas labaad guursado waxaa shardi ah inuu cadaalad u samayn karo oo uu awoodo inuu baahidooda buuxin karo dhinac walba, sidoo kale inuusan tirada dhaafsiinin afar naagood.

Wuxuu yiri Alle (SW):

(وَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تُقْسِطُوا فِي الْيَتَامَىٰ فَانكِحُوا مَا طَابَ لَكُم مِّنَ النِّسَاءِ مَثْنَىٰ وَثُلَاثَ وَرُبَاعَ ۖ فَإِنْ خِفْتُمْ أَلَّا تَعْدِلُوا فَوَاحِدَةً أَوْ مَا مَلَكَتْ أَيْمَانُكُمْ ۚ ذَٰلِكَ أَدْنَىٰ أَلَّا تَعُولُوا)

(Haddaad ka Cabsataan inaydaan ku Cadaalad Falin Agoonta Guursada wixii idiin Wanaagsan oo Haween ah, Labo, Saddex iyo Afar, Haddaad ka Cabsataan inaydaan Caddaalad Falin Mid kaliya (Guursada) ama waxay Hanatay Gacmihiinnu Saasaa u Dhaw inaydaan Jawrfalin).

Wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(مَنْ كانتْ له امرأتان فمال إلى إحداهما جاء يومَ القيامةِ وشِقُّه مائلٌ)

أخرجه أبو داودواللفظ له، والترمذي ، والنسائي ، وابن ماجه ، وأحمد

(Qofkii labo naagood qaba oo middooda u iisha wuxuu imaanayaa maalinta qiyaame asoo dhiniciisa uu qaloocan yahay)

Xadiiska waxaa Wariyay Imaam Axmed iyo Abuu Dawuud iyo Attirmithi iyo Annasaa’i iyo Ibnu Maajah.

Marka qofka ma aha inuu faan u guursado ama inuu guursado asoo caruurtiisa dayacaya, waa inuu ahaadaa qof iska ilaalin karo dulmi iyo xadgudub.

 

 

Naagta ninkeeda inay u adeegto diinta maxay ka qabtaa

Exit mobile version