Ninkayga sideen ku ogaan inuu xaas kale leeyahay
Ninkayga sideen ku ogaan inuu xaas kale leeyahay
Su’aasha:
Waxaan ahay hooyo ku nool wadamada reer galbeedka waxan ka shakiyay waayan dambe ninkayga,
wuxuu bilaabay inuu sanad kaste africa aado, teeda kale waxaan dareemay inuusan ahayn
sidii hore jacaylka uu ii qabi jiray waxaan daremaya inuusan ahayn qaabkii hore,
hadalo macan kama helo isbaddal weyn ayan ka dareemayaa, naag saaxibtayda ayaa ii sheegtay
raga marka ay sidaas isu baddalaan waa marka ay xaas kale yeeshaan, marka ila taliya maxaan
sameeyaa teeda kale nin maxaa lagu gartaa arka uu xaas kale leeyahay fadlan jawab ayaan idinka rabaa.

Jawaabta:
Wax astaam ama calaamo u go’am ma laha ninka inuu xaas kale leeyahay, isbaddalka
uu is baddalay waxaa laga yaabaa inuu xagaaga ka yimid oo adiga aad ka mashquushay,
teeda kale maxaa kuu geeyay shakiga aad ku jirto, hadduu xaqagaaga gudanayo oo uu xaas kale guursado
maxaa dhib ah kaaga imaanayo, teeda kale naag kale marka aad kala tashanayso
gurigaaga iyo ninkaaga waa halis oo laga yaabo naagtaas inay gurigaaga burburiso,
naag naag kale kama naxdo, siiba midda saaxibbada aad tihiin, haweenka marka ay
rabaan inay guri dumiyaan naagta waxay ku abuuraan shaki ah in ninkeeda xaas kale
guursaday ama xaas kale uu meel ku abuuray, marka waxaan kula talinaynaa inaad
gurigaag ilaalsato oo aad shakiga iska saarto, ninkaaga si wanaagsan kula dhaqan
markaas ayaad hanan kartaa. hadduu xaas kale leeyahay xataa wanaagaaga ayaa soo jiidanayaa.
Xaaskayga way been badan tahay ila taliya
Gabadha waxa u keeno shakiga guud ahaan
How I know that my husband has another wife
There are no signs or symptoms that a man has another wife, the change
he has changed may have come from the past and you are busy,
on the other hand, what made you doubt, if he is fulfilling your rights and marries another wife
what harm will it cause you, on the other hand, another woman when you are consulting
your home and your husband is dangerous and that woman may destroy your home,
a woman is not afraid of another woman, especially one who is your friend, when women
want to destroy a house, they create suspicion in the woman that her husband has married another wife or has created another wife somewhere, so we advise you
to protect your home and remove suspicion, treat your husband well
then you can win. If he has another wife, even your good will attract.