Asc, waxan rabaa inaad ii sheegtan arin aan ku wareersanahay raga ka helo inay dumarka la sheekaystaan oo jikada la galaan laakin aan shukaansanin hadalada naagaha ka helo una dhaqmo sida gabdhaha oo kale rag dhan la shekeysan maxaa la dhihi karaa ma cudur baa la dhihi kara?
Jawaabta:
Qofka marka ay gabdho badan ka weyn yihiin oo hal wiil uu yahay waxaa saameynaya dumarka guriga kula nool, ilmaha la dhashay hablo oo la cayaaraya la dheelaya yaraantiisa saameys ayay ku yeelanaysaa taas, wuxuu jeclaanaa inuu dumarka caadi ahaan ula sheekaysto ama uu u hadlo sida dumarka, waalidka waxaa laga rabaa arintaas inuu fiiro u yeesho, haddii uu dhalayo gabdho badan iyo hal wiil iyaga ka yar ha isku dayo inuu isaga wiilkaas la sheekaysto oo la saaxiibo haddii kale gabdhaha ayaa ka xoog badinaya dhaqankooda ayuu qaadanayaa.
Taas oo kale waxay ku dhacdaa gabar wiilal kaliya la dhasheen oo iyada ay ka yar tahay iyadana waxay u dhaqmaysaa qaab nin dabeecada wiilasha ayay qaadanaysaa.