Site icon Daruur درور

Ninka ma istiimin karaa xaaskiisa Soonka

Ninka ma istiimin karaa xaaskiisa Soonka

Su’aasha:

Ninka soomaan naagtiisa ma istiimin karaa oo waxaan ka wadaa inuu naasaha ka salaaxo iyo jirka hadu sidaa sameeyo soonka ma furmaa.

Ninka ma istiimin karaa xaaskiisa Soonka
Ninka ma istiimin karaa xaaskiisa Soonka

Jawaabta:

Culimada mas’aladan way isku khilaafeen qaar waxay u arkeen ninka hadduu yar yahay inay karaaho tahay waayo waxaa laga yaabaa inuu galmo ku dhaco marka uu kacsi xoog dareemo ama inay biyaha ka baxaan asoo istiinka ku jira taas oo keenaysa soonka inuu ka buro.

culimada qaarna waxay leeyyihiin ninka waa u banaan tahay inuu naagtiisa jirkeeda ku raaxaysto waxaa kaliya xaaraan ah galmada inuu la sameeyo.

waxaa kusoo arooray axaadiis ka hadlaysa raaxada xaaska xiliga soonka waxaa ka mid ah:

عَنْ ‏عَائِشَةَ ‏‏رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا ‏‏قَالَتْ ‏: ” كَانَ النَّبِيُّ ‏صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ‏‏يُقَبِّلُ ‏ ‏وَيُبَاشِرُ ‏‏وَهُوَ صَائِمٌ وَكَانَ أَمْلَكَكُمْ ‏ ‏لِإِرْبِهِ ” رواه البخاري (1927) ، ومسلم (1106) .

“waxaa laga wariyay Caa’isho (RC) waxay tiri:   “Rasuulkii Alle (SCW) wuu dhunkan jiray wuuna taataaban jiray (xaaskiisa) asagoo sooman wuxuuna ahaa midka idinka hanasho badan dareenkiisa) taasoo laga wado wuu is celin karay.

Bukhaari ayaa wariyay iyo Muslim

 ‏عَنْ ‏‏عَائِشَةَ ‏‏رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا ‏‏قَالَتْ :‏ ” كَانَ رَسُولُ اللَّهِ ‏ ‏صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ‏‏ يُقَبِّلُنِي وَهُوَ صَائِمٌ وَأَنَا صَائِمَةٌ ” .
رواه أبو داود (2384) . وسنده صحيح على شرط البخاري .

“waxaa laga wariyay Caa’isho (RC) waxay tiri:   “Rasuulkii Alle (SCW) wuu i dhunkan jiray asoo sooman iyo anigoo sooman.

Abuu Daawuud ayaa wariyay sanadkiisuna waa saxiix.

 

Soonka iyo istiinka xaaska dharaarta Ramadaan

Exit mobile version