Site icon Daruur درور

Ninka haduu ku riyoodo asoo xaaskiisa garaacayo

Su’aasha:

scw waxaan idinkaga mahannaqaya adeega bulshada aad u haysaan iyo sida wanaagsan aad uga jawaabtaan sua’aalaha la idin soo weydiiyo, hadaba markan gudaha galo su’aashayda waxan rabaa in la iga jahilbixiyo ninka haduu ku riyoodo naagtiisa asoo garaacayo oo feer iyo haraati is daba joog ah ku dhufanaya riyaadas waxaa lagu fasiri karaa.

Ninka haduu ku riyoodo asoo xaaskiisa garaacayo
Ninka haduu ku riyoodo asoo xaaskiisa garaacayo

Jawaabta:

Riyada garaacidda ninka uu garaacayo xaaskiisa waxyaalo badan ayay tusin kartaa waxayna ku xiran tahay qaabka garaacitaanka uu yahay iyo meesha uu yahay, laakin sida aad sheegtay riyada waa riyo tilmaamaysaa xaalkiina inuu isbadali doono kalsooni darro inaad gali doontaan, sidoo kale cabsi iyo walwal inaad la kulmi doonto oo xagga ninkaaga ah, qaabka riyada uu u arkay waxay tilmaamaysaa in xaaskiisa dambi ay ka gali doonto oo markaas xiriirkooda uu xumaan doono, siiba marka uu qaabkaas u garaacayo, riyada sharteeda Ilaahay ha idinka ilaaliyo.

Exit mobile version