Site icon Daruur درور

Nin xaaskiisa sedex ku furay cidada maku soo ceshan karaa

Su’aasha:

Nin ayaa naagtiisa hal ku furay kadib rajactu ayu yiri hadana waa furay marlabaad hadana wuu so celiyay hadana mar sedexaad ayuu furay iyadoo cidada uku jirto ma soo celin karaa mise way u dhamatay?

Nin xaaskiisa sedex ku furay cidada maku soo ceshan karaa
Nin xaaskiisa sedex ku furay cidada maku soo ceshan karaa

Jawaabta:

Dalaaqa sedexda haddii uu yahay mid  aan hal mar ahayn oo waqtiyo kala duwan dhacay oona naagta aysan qabin dhiiga caadada ama aan lagu furin dahaaro ninkeeda kula kulmay dalaaqaas wuu dhacaa, haddii sedex jeer uu furay masoo celin karo waayo dalaaqa sedexda ah naagta baa’in ayay ku noqonaysaa. Ninka markuu furo xaaskiisa labo jeer hal furas kaliya ayaa usoo hartay wuxuu yiri Alle:

(الطَّلَاقُ مَرَّتَانِ ۖ فَإِمْسَاكٌ بِمَعْرُوفٍ أَوْ تَسْرِيحٌ بِإِحْسَانٍ ۗ)

(furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn fiican)

marka ninka xalaal uma aha ilaa nin kale kasoo guursado oo uu galmo la sameeyo ninkaax kaliya kuma filna, wuxuu yiri Alle:

 

(فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا تَحِلُّ لَهُ مِن بَعْدُ حَتَّىٰ تَنكِحَ زَوْجًا غَيْرَهُ ۗ فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا جُنَاحَ عَلَيْهِمَا أَن يَتَرَاجَعَا إِن ظَنَّا أَن يُقِيمَا حُدُودَ اللَّهِ ۗ وَتِلْكَ حُدُودُ اللَّهِ يُبَيِّنُهَا لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ)

(Hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin kale, hadduu (kaasi) furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inay oogi xuduudda Eebe, taasi waa xuduudda Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og)

Sidoo kale nixaaka ay ninka kale guursanayso ma aha inuu ahaado mid ujeedkiisa yahay in lagu xalaaleeyo kaliya.

Nabida (SCW) wuu lacdanay kan xalaalaynaya iyo ninka loo xalaaleynayo, ninka ma aha inuu ku dhaho nin kale xaaskeyga ii xalaaleey oo guurso kaddib iisoo fur, ninkaaxa noocaas waa baadil.

Marka qofka xaaskiisa sadex ku furo waa qof ciqaab mutaystay ciqaabtaasna waxaa u keenay furiinka sedexaad.

Marka raga waxaa laga rabaa inay iska jiraan ku degdegga furiinka.

Exit mobile version