Nin xaaskiisa sedex ku furay cidada maku soo ceshan karaa
Su’aasha:
Nin ayaa naagtiisa hal ku furay kadib rajactu ayu yiri hadana waa furay marlabaad hadana wuu so celiyay hadana mar sedexaad ayuu furay iyadoo cidada uku jirto ma soo celin karaa mise way u dhamatay?
Jawaabta:
Dalaaqa sedexda haddii uu yahay mid aan hal mar ahayn oo waqtiyo kala duwan dhacay oona naagta aysan qabin dhiiga caadada ama aan lagu furin dahaaro ninkeeda kula kulmay dalaaqaas wuu dhacaa, haddii sedex jeer uu furay masoo celin karo waayo dalaaqa sedexda ah naagta baa’in ayay ku noqonaysaa. Ninka markuu furo xaaskiisa labo jeer hal furas kaliya ayaa usoo hartay wuxuu yiri Alle:
(الطَّلَاقُ مَرَّتَانِ ۖ فَإِمْسَاكٌ بِمَعْرُوفٍ أَوْ تَسْرِيحٌ بِإِحْسَانٍ ۗ)
(furiddu waa labo jeer, intaas ka dib ama waa hayshaho fiican, ama sii dayn fiican)
marka ninka xalaal uma aha ilaa nin kale kasoo guursado oo uu galmo la sameeyo ninkaax kaliya kuma filna, wuxuu yiri Alle: