Maanta waxaa sugan qofka marka uu soo islaamo Alle inuu ka dhaafayo dambiyada uusoo galay oo dhan sida uu ku sheegay quraanka kariimka Alle wuxuu yiri:
(Ku Dheh kuwii Gaaloobay hadday ka Reebtoomaan (Gaalnimada) waxaa loo Dhaafi wixii hor maray, haddayse Daa’imaan (Gaalnimada) waxaa tagtay «horraysay» jidkii kuwii hore)
Marka naxariista Alle sidaas ayay u ballaaran tahay, Alle ayaan weydiisanaynaa khaatumo wanaagsan qofkii islaamka ku dhinto aad buu u liibaanay. Wuxuu yiri rasuulka (SCW):
( الإسلامُ يهدمُ ما كان قبلَه، والتوبةُ تَجبُّ ما كان قبلَها)
(Islaamka wuxuu dumiyaa wixii ka horreeyay, towbadana waxay gooysaa wixii ka horreeyay)