Site icon Daruur درور

Nin hindi ah oo Trump sanam ka sameystay

Hindi waxay ka mid tahay meelaha ugu badan shirkiga iyo caabudidda sanamyada, waxaa ka jira intaas oo diin ah ay dadka iska sameysteen.
Waxaad arkaysaa qof caabudaya mas ama lo’ ama naag ama digaag ama dameer wax kastoo maskaxadaada kusoo dhaco dad ayaad arkaysaa  India ku nool oo waxaas ilaah ka dhiganaya.

Ninka hindiga oo Trump sanam ka sameystay
Ninka hindiga oo Trump sanam ka sameystay

Nin ayaa sanam ka sameystay madaxweynaha maraykanka Donald Trump markaas ayuu meel u sameeyay oo uu ku caabudo sanamka Trump.
Ma foga inuu Trump laftiisa uu arrinkaas ka dambeeyo oo ninkaas uu lacag siiyay, waayo Trump waxaa lagu yaqaanaa inuu yahay nin aaminsan inuu dadka ka sarreeyo waana nin aad u kibir badan.
Maskiinkan yaa wax u sheego falka uu sameynayo meesha uu ka joogo liidnaanta caqliga basharka.

Exit mobile version