Site icon Daruur درور

Nabiga (SCW) nabinimo miyuu ku dhashay

Nabiga (SCW) nabinimo miyuu ku dhashay

Su’aasha:

Sheekh suufi ah Ayan kamaqlay asago leh Nabiga Mohamed csw nabinimo ayu kadashay ruuxi didana gaalnimo ayuu kusiganaya Nabi ayaba oga inu Nabi yahay Mohamed scw marka arrinkan masaxba Mise 40 jir ayuu nabiga Nabi kunoqday scw.

Nabiga (SCW) nabinimo miyuu ku dhashay
Nabiga (SCW) nabinimo miyuu ku dhashay

Jawaabta:

Haddii qadarka Alle laga hadlayo taas waa gooni, qof kaste wixii uu yahay mar hore ayaa la qoray, adiga hadda halkan wax kusoo qorayo intaan lagu abuurin ayaa la qaddaray qofka aad tahay iyo qofka ku dhalay iyo wixii ku qabsan doono, waxaas oo dhan kitaabka lowxulmaxfuudka ayay ku qoran yihiin.

Laakin ninkaas suufiga ah haddii uu ka wado nabiga (SCW) asoo yar ayuu nabi ahaa arrintaas sax ma aha, quraanka ayay khilaafsan tahay, labo aayad ayaan kuusoo aroorinayaan oo tilmaamaya xaalka nabiga (SCW) inta aan lasoo dirin kahor, wuxuu yiri Alle:

(وَأَنزَلَ اللَّهُ عَلَيْكَ الْكِتَابَ وَالْحِكْمَةَ وَعَلَّمَكَ مَا لَمْ تَكُن تَعْلَمُ ۚ وَكَانَ فَضْلُ اللَّهِ عَلَيْكَ عَظِيمًا)

(wuxuuna kugu soo dajiyey Eebe Kitaabka iyo Xigmadda wuxuuna ku baray waxaadan aqoon Fadliga Eebana korkaaga waa ku wayn yahay)

Wuxuu yiri Alle:

(أَلَمْ يَجِدْكَ يَتِيمًا فَآوَىٰ  *  وَوَجَدَكَ ضَالًّا فَهَدَىٰ)

(Miyuusan ku helin Eebahaa Adigoo Agoon ah oosan ku dhawaynin * Miyuunase ku helin Adigoo baadi ah oosan ku hanuuninin)

Sida kutubta siirada ku cad nabiga (SCW) waxaa loo waxyooday markii ugu horraysay asoo jira 40 sano iyo 6 bil iyo 12 maalmood, maalintana waxay ahayd maalin isniin 21-ka bisha Ramadaan waxayna waafaqsanayd 10-ka bisha Agoosto 610 miilaadiga, marka qofka arrintaas wax ka duwan sheegaya muslimiinta oo dhan ayuu khilaafsan yahay hadalkiisa.

Suufiyada waxyaalo badan oo qaldan bay sheegaan oo aan diinta shaqo ku lahayn, marka qofka waa inuu iska ilaaliyaa waxyaalaha qaarkooda oo aan daliilka lahayn.

 

Imisa Nabi ayaa jiray oo Alle waxyi kusoo dejiyay

Exit mobile version