Site icon Daruur درور

Naagta waxa ay dareemayso markay uurka qaadayso

Su’aasha:

scw bahda daruur ad ayan idnkaga maha celinaya shaqada weyn aad no haysan, waxan rabaa inaad iga jawaabtan su’ashan oo ah gabadha ma dareemi kartaa habeenka uurka ay qaadayso ma jiran astaamo lagu garan karo naagta inay uur diyaar u tahay oo hadi galmo ay samayso toos ay uur u qaadayso.

Naagta Waxa Ay Dareemayso Markay Uurka Qaadayso
Naagta Waxa Ay Dareemayso Markay Uurka Qaadayso

Jawaabta:

Marka hore waxaad ogaataa uurka inuu ku jiro gacanta Allaha koonka abuuray, Marka labaad astaamo iyo calaamado ayaa jira oo naagta ay ku dareemi karto inay uurqaadida diyaar u tahay, calaamadahaas waxaa ka mid ah jirka oo kululaada sida qof qandhan oo kale qoyaanka is jiidjiida ka yimaado farjiga oo soo bata, sidoo kale baahi kacsi inay jirto.

Marka ninka uu galmo la sameeyo xaaska iyadoo dareemayso astaamahaas oona biyaha uu ku shubo sariirta kama soo kici karto waxay dareemaysaa caajis iyo hurdo wax u eg, taas waxay calaamad u tahay uurka inuu bilaabanayo biyaha inay minka galeen oo ay falgal la sameeyeen biyaha naagta.

Calaamadahan aan soo sheegnay naag kaste ma dareento waxaa dareema dumarka qaar markay uurka qaadayaan.

Waxaa laga yaabaa haweenka qaar inaysan u kuurgalin calaamadaha uuraysiga, ama aysan fahmin.

Exit mobile version