Site icon Daruur درور

Naagta sabab la’aan dalaaq ninkeeda maka dalban kartaa

Su’aasha:

scw  bahda daruur waad salaman tihin waxan rabaa inaad iga jahilbixisaan naag hadii ninkeeda sabab la’aan ay uga dalbato inuu furo dambi maa kasoo gaaraya fadlan iso faahfaahiya jawaabta.

Naagta sabab la'aan dalaaq ninkeeda maka dalban kartaa
Naagta sabab la’aan dalaaq ninkeeda maka dalban kartaa

Jawaabta:

Furiinka ama dalaaqa waa wax xun haddii sabab aan jirin ninka uma fiicna naagtiisa inuu furo asoo aan haynin sabab keenaya furiinkeeda, sidoo kale naagta iyadana ma aha inay ninkeeda ka dalbato inuu furo.
Shaydaanka wuxuu aad u jecel yahay nin iyo xaaskiisa inay kala tagaan sida xadiiska uu Muslin wariyay kusoo aroortay, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

(إنَّ إبْلِيسَ يَضَعُ عَرْشَهُ علَى الماءِ، ثُمَّ يَبْعَثُ سَراياهُ، فأدْناهُمْ منه مَنْزِلَةً أعْظَمُهُمْ فِتْنَةً، يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: فَعَلْتُ كَذا وكَذا، فيَقولُ: ما صَنَعْتَ شيئًا، قالَ ثُمَّ يَجِيءُ أحَدُهُمْ فيَقولُ: ما تَرَكْتُهُ حتَّى فَرَّقْتُ بيْنَهُ وبيْنَ امْرَأَتِهِ، قالَ: فيُدْنِيهِ منه ويقولُ: نِعْمَ أنْتَ).

(Ibliis wuxuu dhiganayaa kursigiisa biyaha, kaddib wuxuu soo dirayaa guutooyinkiisa, kan isaga ugu dhow waa kan ugu fidnada badan, midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: sidan iyo sidan ayaan sameeyay, wuxuu oranayaa wax ma aadan samynin, wuxuu yiri kaddib midkooda ayaa imaanaya wuxuu oranayaa: ma dhaafin ilaa aan ka kala geeyo isaga iyo naagtiisa, wuxuu yiri: wuu soo dhoweysanayaa wuxuu oranayaa: adigaa fiican).

Marka waad garan kartaa dalaaqa dhibka uu bulshada u keeno maxaayeelay ninka markuu naagtiisa furo wax badan ayaa bulshada ka hallaabaya ilmaha ayaa dayacmaya sidoo kale naagta garoob ayay noqonaysaa xumaan ayay ku dhici kartaa sidoo kale ninka doob ayuu noqonayaa isagana xumaan ayuu ku dhici karaa.

Bal waxaa jira xadiis saxiix ah oo Abuu Daawuud wariyay wuxuu yiri nabiga (SCW)”

(أيُّمَا امرأةٍ سألت زوجَها طلاقًا في غيرِ ما بأسٍ فحرامٌ عليها رائحةُ الجنةِ)

(haweeney kaste weyddiisato ninkeeda furiin iyadoon dhib jirin jannada carafteeda xaaraan ayay ka tahay)

Xadiiska waa gooddi adag naagta iyadoon dhib haysanin gurigeeda inay dumiso fal aad u xun.

 

Su’aal Ku Saabsan Guurka Qarsoon Iyo Dalaaqa Bidciga

Exit mobile version