Site icon Daruur درور

Naag caado ku dhacday iyadoo sooman ma wadi kartaa soonka

Naag caado ku dhacday iyadoo sooman ma wadi kartaa soonka

Su’aasha:

asc walala daruur dhamaan tiin salan kadib
gaber soman aya xili ay saacad kadhiman tahay baa caado utimid sonkeda mafuraysa mise weysiwadanaysa malinkana malagu leyahay mise waa so qalaynaysa.

Naag caado ku dhacday iyadoo sooman ma wadi kartaa soonka
Naag caado ku dhacday iyadoo sooman ma wadi kartaa soonka

Jawaabta:

Naagta hadduu dhiiga caadada u yimaado iyadoo sooman maalintii saacad kaste ha ahaatee soonkeeda waa buraa waxaana laga rabaa inay soo guddo maalintaas, ma u bannaana inay soonto iyadoo dhiig qabta, hadday sidaa samayso way dambaabaysaa.
Wuxuu yiri imaam Nawawi asoo sharxaya arrinkaas:

 

(لَا يَصِحُّ صَوْمُ الْحَائِضِ وَالنُّفَسَاءِ، وَلَا يَجِبُ عَلَيْهِمَا, وَيَحْرُمُ عَلَيْهِمَا، وَيَجِبُ قَضَاؤُهُ، وَهَذَا كُلُّهُ مُجْمَعٌ عَلَيْهِ، وَلَوْ أَمْسَكَتْ لَا بِنِيَّةِ الصَّوْمِ لم تأثم، وإنما تأثم إذَا نَوَتْهُ وَإِنْ كَانَ لَا يَنْعَقِدُ)

(Ma ansaxayo naagta caadada qabta soonkeeda iyo naagta umusha ah, mana ku waajibayo waana ka mamnuuc, waxaa ku waajibaya inay soo gudaan, arrinkan dhammaantii waa laysku raacay, hadday afka xirato iyadoon soon niyaysnayn ma dambaabayso waxay ku dambaabaysaa markay niyaysato xataa hadduusan xirmaynin)

أما إذا جاء حيض المرأة إليها صائمة كل ساعة من اليوم ، فإن صيامها باطل وعليها أن تقضي في ذلك اليوم. لا يسمح لها بالصيام وهي تحيض. إذا فعلت ذلك ، فسوف تذنب.

Exit mobile version