Naag 3 lagu furay ayaa iga codsatay inaan maxlaleeyo diinta maxay ka qabtaa

Su’aasha:

Sxb iga raali noqo waxaan rabaa inaad su aashan iga jawaabtid naag la qabay oo 3 lagu furay baa ninkeedii hore rabta marka waxay iga rabtaa inaan maxlalo oo sadax maalmood ka dibna furo marka waxaan dadka ka maqlay in guurkaas xaaraan yahay iyadana waxay taagantahay xitaa lacag waankuu ogolahay ee sadax bari i qab ka dibna i fur marka arintaas maxaan ka yeeli karaa iisheeg sxb hadaan su aasha kugu dhibay xoogaa jaahilnimaa iga heysee ha ii qabanin.

Naag 3 lagu furay ayaa iga codsatay inaan maxlaleeyo diinta maxay ka qabtaa
Naag 3 lagu furay ayaa iga codsatay inaan maxlaleeyo diinta maxay ka qabtaa

Jawaabta:

Guurkaas waa xaaraan diinta islaamka ma oggola, naagta haddii ninkeeda seddex ku furo ma guursan karto ilaa nin kale uu ka guursado markaas uu u galmoodo kaddib si caadi uu u furo markaas ciddadeeda ay dhamaato kaddib ayay xalaal u noqonaysaa ninkeedi hore sedexda kusoo furay.

Laakin haddii nin ay keensato oo ay leedahay ii xalaaley ninkayga guurkaas waa xaaraan lacnad ayaa ku dhacayso qofkii sidaas sameeya.

Wuxuu wariyay Cuqba bin Caamir (RC) inuu rasuulka (SCW) yiri:

 

(أَلَا أُخْبِرُكَ بالتيسِ المستعارِ ؟ هو الْمُحِلُّ ، فلَعَنَ اللهُ الْمُحِلَّ والْمُحَلَّلَ لَهُ)

(ma kuu sheegaa orgiga lasoo caariyaystay? waa xalaaleeyaha, Alle wuu lacnaday xalaaleeyaha iyo kan loo xalaaleeyay). waa saxiix

 

Nin ayaa u yimid Saxaabigii weynaa Cabdullaahi bin Cabbaas (RC) wuxuu yiri:

 

(إنَّ عَمِّي طلَّق امرأتَه ثلاثًا! فقال: إنَّ عَمَّك عصى اللهَ فأندَمَه، وأطاع الشَّيطانَ فلم يجعَلْ له مَخرجًا، قال: كيف ترى فى رجُلٍ يُحَلِّلُها؟ قال: من يخادِعِ اللهَ يَخدَعْه!)

 

(Adeerkayga naagtiisa seddex ayuu ku furay! wuxuu yiri: adeerkaaga Alle ayuu ku caasiyay markaas ayuu shallay ku riday, shaydaan ayuu adeecay meel uu ka baxana ma helin, wuxuu yiri: sideed u aragtaa ninka u xalaaleynaya? wuxuu yiri: qofkii Alle dhagro dhagar buu ka dhigayaa abaalkiisa !).

raadraac

 

Marka ka fogow naagtaas inaad ninkeeda u xalaaleyso waa guur xaaraan ah oo dambi kaa soo gaaraya. Naag haddii sedex lagu furo diinta way ka xarimtay inay ninkeeda u laabato ilaa nin kale kasoo guursado markaas uu soo furo haddii ninkaas maxlal ahaan uu guursado diinta way reebtay taas.

 

Ninka hadduu naagta sedex ku furo ciddada maku soo ceshan karaa

Qofkii naagtiisa hal ku furay hadana sedex ku furay

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More