Site icon Daruur درور

Mudo korosiga Farmaajo maxaa ka dhalan kara?

Mudo korosiga Farmaajo maxaa ka dhalan kara

Su’aasha:

Iyadoo lagu jiro bil barakeysan ayaa hadana laga cabsi qabaa isku dhacyo iyo dagaalo taasoo salka ku heysa qaraarkii mudo kordhinta ay wada gaareen golaha xildhibaanada Aqalka Hoose, markaa maxaa ka dhalan kara mudo kororsigaas Farmaajana dalka ma laga badbaadin karaa sowmala dhihi karo waa kaligii talis layska qaban karo.

Mudo korosiga Farmaajo maxaa ka dhalan kara?
Mudo korosiga Farmaajo maxaa ka dhalan kara?

Jawaabta:

Soomaali run ahaan ma aha dad garanaya maslaxaddooda, maanta haddii ay ahaan lahaayeen dad masalaxaddooda garanaya meel sare ayay taagnaan lahayd soomaali.

Farmaajo wuxuu khilaafay wixii soomaalida ay ku heshiiyeen labadii madaxweyne ka dambaysayna si quman bay u wareejiyeen xukunka, laakin sida muuqata wuxuu rabaa inuu iska haysto xukunka sida deriskiisa oo kale Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxweynaha Eriteria   Afuurqi.

Farmaajo marka la dooranayay wuxuu sheegi jiray inuu wax badan samaynayo oo uu ka duwanaan doono Xasan Sheekh Maxamuud, laakin wuxuu noqday qof fashilan markaas ayuu ka cabsaday in la dooran waayo mar kale, illeen shacbiyadiisa ayaa dhulka gashay.

Dadka Farmaajo taageera labo qayb ayay u kala baxaan qaar been lagu shubay oo qaran loo akhriyay qarankana waa Farmaajo wixii Farmaajo kasoo horjeeda qaranka ayuu kasoo horjeedaa wixii isaga diidana qaranka ayuu diiddan yahay, qofkii Farmaajo taageerana waa qof wadani ah.

Qolada labaad waxay ku taageerayaan qabyaalad laakin qaran ayay ku daboolaan.

Marka Farmaajo waa kaligii taliye oo diiday nidaamka soomaalida ay ku heshiiyeen. Wadankana wuxuu galin karaa dagaal sokeeye kii uu galiyay Maxamed Siyaad Barre oo asal ahaan talada xoog ku qaatay 1969-kii markuu afgambiyay xukuumaddii markaas jirtay.

Exit mobile version