Waxaa iishegtay inay sababo badan hor istaagi karaan biyo baxa riyada marka maxay noqonkaraan
Jawaabta:
Way jiraan sababo reeba qofka inuu isku junuubo oo hurdada ku biyabaxo, waxaa ka mid ah:
Qofka inuu wax kale ku mashquulsan yahay ama uu caadi ahaan u jiran yahay jirro nooc kaste ah ahaato, kacsiga ayay saamaysaa, ama inuu siigaysto ama inuu xaas leeyahay oo biyaha sidaas uga baxaan dad waxaa jira aanba isku junuubin iyagoo caadi ah oo kacsi dareemaya, marka qofba waa si dadka aad ayay u kala duwan yihiin.
Adiga waxaan kula talinayaa inaad wax fiican ku mashquusho markaad guursato si xaaskaaga aad ugu raaxaysato, haddii maanta oo dhan aad ka fikirto galmo ama siigo waxaad is arki doontaa adoo naftaada iyo waqtigaada iska gabay oo bohol ku riday.