Mashxarada ama alalaaska diintu Maxay ka qabtaa walaal

Su’aasha:

Naagta markii la nikaaxo dumarka goobta jooga waxay sameeyaan Alalaas ama mashxarad marka alalaaska iyo mashxaradu dumarka sameeyaan xilliyada xafladaha ama arooska diinteenu maxay ka dhahday

Mashxarada ama alalaaska diintu Maxay ka qabtaa walaal
Mashxarada ama alalaaska diintu Maxay ka qabtaa walaal

Jawaabta:

Alalaaska ama carabdhowga ama mashraxada waxaad u taqaanaba, dumarka dhexdooda wax dhib ma laha siiba marka arooska loo alalaasayo, waxaa la diiday kaliya dumarka inay raga hortooda ku alalaasaan oo marka taas ay xumaan soo jiiddo, laakin marka aroos uu jiro ama farxad kale wax dhib ma laha, guud ahaan diinta cayaarta iyo heesta aan xumaanta wadanin way fasaxday xiliga arooska iyo ciidaha.

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها أَنَّهَا زَفَّتْ امْرَأَةً إِلَى رَجُلٍ مِنْ الْأَنْصَارِ ، فَقَالَ نَبِيُّ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( يَا عَائِشَةُ مَا كَانَ مَعَكُمْ لَهْوٌ ؟ فَإِنَّ الْأَنْصَارَ يُعْجِبُهُمْ اللَّهْوُ ) .

waxaa laga wariyay Caa’isho (RC) inay u guri geysay haweeney nin reer ansaar ah wuxuu yiri nabiga (SC) : (Caa’ishooy wax cayaar ah ma jireen? ansaarta cayaarta ayay ka helayaanee).

Marka alalaaska wuxuu ka mid yahay cayaarta banaan xiliyada arooska.
Waxaa jira culimo u arkay inay tahay dhaqan xun dumarka inay alalaasaan, laakin sida laga fahmayo qaacidooyinka shareecada islaamka wax dhib ma laha haddii dumarka dhexdooda ay tahay arintaas.

You might also like
Leave A Reply

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More