Site icon Daruur درور

Magaca Mohammed Salah gaalada Mo Salah maxay u dhahaan

Su’aasha:

Waxa dhacda gaaladu magaca Mohammed inay usoo gaabsadaan “mo” tusaale ahaan ciyaaryahanka Mohammed Salah waxay inta badan ugu yeedhaan “mo” salah. Hadaba arrintaasi ma waxay tahay inay nabi Mohammed magiciisa ka warwareegayaan maaadaama magacii suubbaneheena uu ahaa, mise siday magacyada kaleba usoo gaabsadaan ayuunbay usoo gaabsadeen. Waxay rajaynayaa su aashayda in la fahmi karo!
Mahadsanidiin waalalahayga qiimaha badan.

Magaca Mohammed Salah gaalada Mo Salah maxay u dhahaan
Magaca Mohammed Salah gaalada Mo Salah maxay u dhahaan

Jawaabta:

Sida aad sheegtay way dhici kartaa, waxaa la hubaa gaalada inay neceb yihiin magaca nabigeena suuban (SCW) maxaayeelay markuu magaca Muxammad faafo waa lays weyddiinayaa marka waxaa la ogaanaa inuu ahaa magaca nabiga lagu khatimay anbiyada.

Mar mid musharrax ka ahaa dalka faransiiska wuxuu ballan ku qaaday hadduu ku guulaysto madaxweynenimada inuu ka mamnuucayo muslimiinta ku nool France inay baxsadaan magaca Muxammad, maxaayeelay wuxuu  noqday magaca Muxammad midka ugu badan ilmaha yurub ku dhsho loo bixiyay sida ka dhacday Ingiriiska (UK) iyo Jarmalka (Germany)  sanadahan dambe.

Marka way dhici kartaa sida aad sheegtay inaysan oggoleen toos inay u sheegaan magaca Maxamed Salaax.

Exit mobile version