Ma tawbad keeni kartaa hadii aad shaki ka qabto danbi
Su’aasha:
Asc… aad baad u mahadsantihiin. Waxan jeclaystay inaan idin waydeyo hadee anad hubin inad danbi ku dhacday iyo inkale, shaki kaaga jiro, danbigaa hade aad iska tawbad keento, ilahay (swc) ma iga aqbalayaa??
Jawaabta:
Towbadda mar walba waa laga rabaa qofka inuu towbad keeno, waayo dambiga maba ka dhamaado qofka, haddii aad dambi gashay oo aad illowsan tahay waad ka towbad keeni kartaa Ilaahay qofka u towbad keena wuu ka aqbalaa wuuna ku farxaa marka wax dhib ah ma laha waa khayr batay.