Site icon Daruur درور

Laaluushka goormuu xalaal yahay in la bixiyo

Laaluushka goormuu xalaal yahay in la bixiyo

Su’aasha:

Daruur.com aad baan idiin salaamay marka hore run ahaantii waxaan caadaystay si maalinle ah inaan su aalo idiinsoo waydiiyo waxaanan idiinka mahacdelinayaa sida aad jawaabaha wanaagsan ee climiga kudhisan aad noo siisaan. Webka asxaabtayda iigu dhaw waan wada gaadhsiiyay qaarkoodna way is diwaangaliyeen oo su aalaha way soo diraan. Inaan aad usii faafiyana diyaar baan u ahay insha allah. Hadii aan su aashayda usoo dago, ugu horrayn waxaan daganahay magaalo xuduudeed mararka qaar waxaa dhacda in alaabaha qaarkood aan kasoo gadano daanta(qaybta dalka kale) lkn magaalada dad iskumid ah oo soomaali ah uunbaa kunool oo xadka uuni kala qaybshay. Hadaba maanta anigoo daawooyin soogatay ayaa nin askari ah iqabtay wuxuuna idhahay sharci maaha in dawladdaa kale aad daawooyin kasoo gadato markaa saldhiga ayaan ku gaynayaa ee inamari daawooyinkiina uu iga qaaday bacdeen in muddo ah ayaan wada hadlaynay waxaanan fahmay in ninkani rabo inaan xoogaa u laabo kadib woxoogaa yaroo lacag ah ayaan siiyay waanu I fasaxay daawadiina uu isiiyay. Lacagtaana waxaan usiiyay si aan hantidaysa u badbaadsado hadaba laaluush kaa aan bixiyay ma ku danbaabayaa maadaama ujeedadaydu ahayd inaan hantidayda badbaadsado?
F:G: daawooyinku waxay ahaayeen daaawooyin caadi ah; antipain, antibiotics, etc

Laaluushka goormuu xalaal yahay in la bixiyo
Laaluushka goormuu xalaal yahay in la bixiyo

Jawaabta:

Walaal waad ku mahadsan tahay faafinta aad faafinayso webkan, haddii aad ku dhexfaafin kartid baraha bulshada adoo mahadsan sameey, si dad badan uu u gaaro waayo dad badan ayaa jira u baahan in looga jawaabo su’aalo aysan dad weyddiin karin oo halkan ay kusoo bandhigi karaan.

Laaluushka waxa loo yaqaano ama rashawada  الرشوة  diinta guud ahaan waxay ka dhigtay arrin xaaraan ah oo aan bannaanayn waxaana kusoo arooray nas cad, wuxuu yiri rasuulka (SCW):

 

(لعنةُ اللهِ على الرّاشِي والمُرْتَشِي)

 

(Lacnadda Alle ha ku dhacdo kan luuluushka bixiya iyo kan qaata)

Waxaa wariyay xadiiskan Abuu Daawuud iyo Attirmithi, xadiiskan lafdiyo badan ayuu kusoo arooray, dhammaanna waxaa laga qaadanayaa laaluushka inuu xaaraan yahay.

Culimada waxay kasoo reebaan qofkii laaluush u dhiibo xaqqiisa isduu usoo dhacsado haddii ay qasab ku noqoto markaas dambiga waxaa qaadanaya qofkii laaluushka qaatay, isaga wax dambi ah kuma laha, marka adiga xaaladdaada waxay ka mid tahay arrintan daawada aad soo iibsatay xaq ayaad u leedahay ninkaas oo lacagta kaa qaatay awood ayuu kuu adeegsaday marka haddii aadan dhiibin lacagtaas xaqqaaga ayaad waaynaysaa, marka haddii sidaas ay ku qabsato waad bixin kartaa laaluushka.

 

Qof aan deyn ku lahaa ayaa si kedis ku dhintay sideen u cafiyaa

Exit mobile version