Site icon Daruur درور

Kafaraada dhaarta sidey ku waajibtaa

Su’aasha:

Intabadan soomaalida dharta aad ayay ugu badan tahay waxaan maqlay waxa jirta kafaratul yamiin maxay tahay?
Malin ayan will yar Oon abti u ahay iga codsaday telefoonkeyga inan udibo si u ugu ciyaro basle waxaan kuiri wallahi inan mar dambe kuu dibeynin inyar kadib wan unaxay deedna wan udibay marka ma kafaro guud miya laiga raba.

Kafaraada dhaarta sidey ku waajibtaa
Kafaraada dhaarta sidey ku waajibtaa

Jawaabta:

Qofka hadduu wax ka dhaarto  waxaa laga rabaa inuu kafaarogud sameeyo marka uu rabo inuu sameeyo wuxuu ka dhaartay, mana samayn karo waxa uu ka dhaartay asoon kafaaro samaynin haddii kale dambi ayuu ku dhacayaa.

Kafaaarada dhaarta Quraanka kariimka ayaa lagu sheegay sida loo bixiyo wuxuu yiri Alle:

(لَا يُؤَاخِذُكُمُ اللَّهُ بِاللَّغْوِ فِي أَيْمَانِكُمْ وَلَٰكِن يُؤَاخِذُكُم بِمَا عَقَّدتُّمُ الْأَيْمَانَ ۖ فَكَفَّارَتُهُ إِطْعَامُ عَشَرَةِ مَسَاكِينَ مِنْ أَوْسَطِ مَا تُطْعِمُونَ أَهْلِيكُمْ أَوْ كِسْوَتُهُمْ أَوْ تَحْرِيرُ رَقَبَةٍ ۖ فَمَن لَّمْ يَجِدْ فَصِيَامُ ثَلَاثَةِ أَيَّامٍ ۚ ذَٰلِكَ كَفَّارَةُ أَيْمَانِكُمْ إِذَا حَلَفْتُمْ ۚ وَاحْفَظُوا أَيْمَانَكُمْ ۚ كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ)

(Eebe Idiin ma Qabto Dhaar laqwi ah  Laakin wuxuu idiin qaban Dhartaad u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Miskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku Quudisaan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex Maalmood, Taasaana ah Kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra dhaartiinna Saasuuna idiinku Caddayn Eebe Aayadkiisa, waxaadna Mudan tihiin inaad ku Mahdisaan) rd

Marka dhaarta  kafaarada waajibiso waa midda qalbiga kasoo fushay ee ma aha midda afka kaliya ah oo qofka dhahaayo walaahi asoon ula qasdaynin dhaar.

Haddii aad niyaysatay markaad ilmaha u diidaysay moobelkaaga kafaaro ayaaa kugu waajibayso haddii aadan dhaar u niyaysan wax kafaaro ah korkaaga ma aha niyaddaada ayay u noqonaysaa.

Exit mobile version