Ani waxaan ku jiraa ragga kacsigooda joogtada ahayn aanan fududeyn balse markoo guska ii taagmo si aan ku damiyo waa adagtahay markaas cml waxaan sameeyaa siigo ama waxaan ku biyo baxaa inaan fiirsado muuqaal galmo marka taasoo kale qofka markuusan xadidi karin kacsigiisa maxay la xiriirtaa.
Jawaabta:
Marka hore waxaad ogaataa inaad tahay qof aadane ah oo caqli Ilaahay siiyay, taas macnaheeda waa inaad naftaada xakamayn kartid, haddii aad xaas qabto waa la gartay markaad kacsi dareento xaaskaaga ayaad u tagaysaa, laakin haddii aad doob tahay kacsiga wuxuu kugu ridayaa inaad siigaysato ama aad sinaysato, filimada galmada aad daawanayso kacsi ayay kuu sii kordhinayaan markaad daawanayso, laakin mustaqbalka kacsiga ayay kaa tagsiiyaan, waa halis oo dambi iyo caafimaad ahaanba halis u ah.
Marka talada waxay tahay ka fogow waxaas oo dhan ee dantaada garo haddii kale maalin ayaad dhihi doontaa maxaan u sameeyay falalkaas!