Injineerada Turkiga lagu dilay qaraxa Ex-control
Wadada Afgooye iyo Muqdisho isku xirta Ex-control ayay joogeen labadan qof waxay u yimaadeen dalka Soomaaliya si ay u dhisaan waddadan isku xirta xamar iyo afgooye oo loo yaqaano Ex-control.
laakin dugaagta soomaaliyeed oo jirka dadka leh ayaa meesha ku laayay labadan qof iyo dad badan rayid ah oo meesha joogay haween iyo caruur isugu jira.
soomaaliya waa dal maanta dad caqli lahayn ku badan yihiin kuwaasoo isku sheega inay siyaasadda ku jiraan qaarna sheegta inay aqoon leeyihiin qaarna diin sheegta qaarna madax iska dhiga.
laakin meesha waxaa ka cad inaysan joogin dad caqli leh iskaba daayee dad diin leh inay joogaan.
qof naftiisa usoo huray inuu kaa saaro dulliga aad ku jirto maxaad u dilaysaa oo maxaad ka rabtaa.
qof dalkaaga dhisaya ma abaalkiisu dil baa? soomaaliyeey caqligiina aaway. sawirada laga soo qaaday qaraxa Ex-control looma adkaysan karo waa sawiro aad looga naxo waxay tilmaamayaan meesha ay joogaan dadka soomaaliyeed